Duration 2:51

Daawo waqtiga ugu fiican ee la Ducada la aqbalo sh mustafe haji ismaciil

182 110 watched
0
2.3 K
Published 15 May 2016

wakhtiyada Ducada La aqbalo. Walaalayaal Si fiican ugu Fiirsada kana Faaidaysta wakhtiyadan Barakaysan. 1. Wakhtiga habeenka saddex meelood meel harsan tahay ( Midnight ka), Rasuulku wuxuu yiri ( Scw) Habeenkii Xilliga dambe albaabada Samadu waa ay Furan yihiin, Allah wuxuu dhahaa. Yaa wax i weydiisanaya oo aan siiyaa, Yaa wax iga magan galaya oo aan ka magan galiyaa. Xilligaas labo qof ducadooda lama aqbalo.... waana 1. naag dhilaysata oo jirkeeda ka ganacsata iyo qof xoolo xaaram ah haysta ma cunay. 2. Wakhtiga u dhaxeeya Adinka iyo Aqinka salaad kasta. Rasuulka ( SCW) waxa uu yiri Ducada u dhaxaysa adinka iyo aqinka lama soo celiyo ee xilligaas Ducaysta. 3. Xilliga uu roobku da'ayo. Rasuulku ( SCW) waxa uu yiri labo duco lama soo celiyo ducada Xilliga Roobku da'ayo iyo ducada Wakhtiga Adinka. 4. Ducada waalidka: Rasuulku ( SCw) waxa uu yiri saddex duco shaki kuma jiro in la aqbalayo waa 1. ducada waalidka 2. Ducada Qofka sooman iyo 3. Ducada qofka Musaafirka ah ( Safarka) 5. Wakhtiga uu Qofku sujuudsan yahay: Rasuulku waxa uu yiri Qofku waxa uu Allah ugu dhow yahay xilliga uu Sujuudsab yahay ee Allah Xilligaas wax weydiista. 6. Laylatul Qadri ( Habeenka ku jira Tobbanka Ugu dambeeya ee Ramadan) Caaisha (Xaaskii Rasuulka) ayaa weydiisay Rasuulka (SCW) haddii aan la kulmo Laylatul qadri maxaan dhahaa? Wuxuu Ugu Jawaabay waxaad dhahdaa.... Illahaw waxa aad tahay mid Cafin badan, Cafigana waad Jeceshay ee iska kay Cafi. Haddaba walalayaal Illahay aan Xilliyadan barino inagoo weydiisanayna waxa aan u baahanahay Aakhiro iyo aduunba walayaal Allah aan weydiisano inuu wadankeena Nabad nooga dhigo Gaaladana naga celiyo.

Category

Show more

Comments - 155